fbpx

Hel bilowga ugu fiican ee casharada Ingiriisida ee bilaashka ah

Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah (Adult Migrant English Program – AMEP)

Baro Ingiriisida caadiga ah si ay kaaga caawiso helitaanka adeegyada, inaad shaqeyso, wax ku barato iyo aad ku raaxeysato noloshaada Ustareeliya.

  • Ilaa iyo 510 saacadood oo ah casharo Ingiriisi ah oo bilaash ah
  • U baro Ingiriisi ku noolaanshaha, ka shaqeynta iyo waxka barashada Ustareeliya
  • Waxka ogow adeegyada dowlada iyo bulshada
  • Saacado casharo Ingiriisi ah oo bilaash ah oo aan xaddidnayn
  • Sameyso saaxiibo cusub inta aad wax baranayso
  • Qorshee mustaqbalkaaga Ustareeliya
  • Shuruudaha u qalmida ayaa lagu dabaqayaa*

Nasoo wac maanta si aad u hesho macluumaad ku saabsan ka bilaabida casharadaada Ingiriisida ee BILAASHKA ah STEPS 1300 585 868

Si aad u hesho adeegyada turjumida ka wac Adeega Turjumida [Dhokumentiyada iyo hadalka] (TIS National) 131 450 kahor inta aanad nasoo wicin.

Wakhtiyo Fasalo oo La Beddeli karo

STEPS waxay fasalo leh wakhtiyo la badeli karo ku bixisaa goobaheeda Casuarina iyo Palmerston – Fiiri Khariirada

STEPS waxay bixisaa fasalo leh wakhtiyo la beddeli karo si ay ugu habboonaato wakhtiyada qoyskaaga, shaqadaada, ama waxyaabaha kale ee aad barato. Waxaad heysataa doorashada aad fasalka ku dhigan karto maalintii ama habeenkii ee maalmaha iyo wakhtiyada kugu haboon adiga.

Fasalada Maalintii: Salaasa, Arbaca, Khamiis ama Jimce, 8:45am – 3:15pm
Fasalada Habeenkii: Salaasa, Arbaca ama Khamiis, 6pm – 9pm

Waa maxay barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah?

Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah waxa maalgelisa Dowladda Ustareeliya waxaanuu siiyaa saacado casharo luqada ingiriisida ah oo bilaash ah oo aan xaddidnayn dadka soo-galootiga ah iyo kuwa bini-aadanimada ku yimid dalka ee u qalma. Haddii lagu siiyay fiise joogto ah ama aad u qalanto fiise kumeel gaar ah oo aad ku hadasho Ingiriisi yar ama aanad aqoon wax Ingiriisi ah, waxa laga yaabaa inaad u qalanto AMEP. Qaar kamid ah dhallinta soo-galootiga ah ee da’doodu u dhaxeyso 15 iyo 17 sanno jir ayaa sidoo kale laga yaabaa inay u qalmaan. Ogow haddii aad u qalanto casharada Ingiriisida ee BILAASHKA ah ee Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah.

Maxay ayaan Baran Doonaa?

Fasaladaada AMEP waxaad ku baran doontaa xirfadaha luqada Ingiriisida ee kaa caawin doona inaad si guul leh Ustareeliya ula degto dadka leh taariikh, khibrado iyo himilooyin kula mid ah. Waxaad baran doontaa qiimayaasha, dhaqanada iyo sharciyada Ustareeliya iyo mawduucyo kala duwan oo kuu fudeydin doona inaad ka shaqeyso, waxka barato iyo aad ku raaxeysato nolosha Ustareeliya. Qaar kamid mawduucyadan waxa kamid ah;

  • xirfadaha nolosha, dhaqanka, waayida qoys ama saaxiibo
  • caafimaadka iyo badbaadada
  • maareynta lacagta iyo adeegyada bangiyada
  • gaadiidka dadweynaha ama wadista baabuurta
  • daryeelka ilmaha iyo nidaamka waxbarashada
  • nidaamka iyo adeegyada caafimaadka
  • sharciga iyo nidaamyada sharciyada
amep-logo

1300 585 868

Start typing and press Enter to search