Sida La Isu-qoro
Hubi haddii aad u qalanto. Waxaad u qalmidaada ka hubin kartaa onlayn ama waxa aad naga soo wici kartaa 1300 585 868.
Iska diiwaangeli STEPS oo ballanso qiimeyntaada luqada Ingiriisida. Waxaan ka wada hadli karnaa fasalada aad ku habboon tahay iyo sidoo kale wixii taageero ah ee aad u baahan tahay. Nagala soo xiriir 1300 585 868 ama booqo mid kamid ah goobaheena.
Bilow fasaladaada Ingirisiida ee BILAASHKA AH.
Waxyaabaha aad usoo qaadan kartid kulankaaga.
Fadlan soo qaado baasaboorkaaga iyo dukumentiyadaada socdaalka.
Taageerada turjumida
Waxaan diyaarin doonaa turjumaan telefoonka ah oo bilaash ah si uu kuu caawiyo inta lagu jiro kulankaaga iyo qiimeyntaada luqada Ingiriisida. Haddii aad doorbideyso inaad soo kaxeysato qof aad taqaanid si uu kuugu turjumo taasi sidoo kale waa caadi.