fbpx

Miyuu barnaamijka Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah (Adult Migrant English Program – AMEP) igu haboon yahay?

AMEP waxa heli kara dhamaan dadka heysta fiisada joogtada ah ee da’doodu tahay ama ka weyn tahay 18 sanno jir ee aan lahayn heerka aasaasiga ah ee aqoonta luqada Ingiriisida.

Helitaanka barnaamijka waxa lagu kordhiyaa qaar kamida dadka heysta fiisada kumeel gaarka ah sida ku qeexan qalabka sharci-dejinta ee Koorsooyinka Ingiriisida loogu talogalay Qaar Kamid ah Dadka Heysta Fiisada Kumeel Gaarka ah. Fasalada fiisada kumeel gaarka ah waxa kamid ah:

  • Bridging F (Class WF)
  • Business Skills (Provisional) (Class UR)
  • Business Skills (Provisional) (Class EB)
  • Interdependency (Provisional) (Class UG)
  • Partner (Provisional) (Class UF)
  • Partner (Temporary) (Class UK)
  • Resolution of Status (Temporary) (Class UH)
  • Safe Haven Enterprise (Class XE)
  • Skilled—Designated Area-sponsored (Provisional) (Class UZ)
  • Skilled—Independent Regional (Provisional) (Class UX)
  • Skilled—Regional Sponsored (subclass 475)
  • Skilled—Regional Sponsored (subclass 487)
  • Skilled—Regional Sponsored (subclass 489)
  • Temporary (Humanitarian Concern) (Class UO); and
  • Temporary Protection (Class XD).

Dadka ka yar 18 sanno jir

Soo-galootiga iyo dadka ku imid bini’aadanimada ee da’doodu u dhaxeyso 15 iyo 17 sanno jir, ee aan lahayn aqoonta Ingiriisida ee aasaasiga ah baahiyahoodana aan wax lagaga qaban waxbarashada caadiga ah, ayaa sidoo kale laga yaabaa inay u xaq u yeeshaan ka qeybqaadashada barnaamijka.

Guud ahaan ka qeybqaadashada waxa lagu go’aansadaa kiis calaa kiis, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha shakhsiga ah iyo iyadoo lala tashanayo dugsiyada maxaliga ah.

Wakhtiyada

Si ay uga qeybqaataan barnaamijka, dadka u qalma ee haysta fiisahu waa inay la kulmaan wakhtiyada sharci-dejinta ee diiwaangelinta ee bilowga iyo dhameystirka. Wakhtiyada la xadiday ee hoos ku qoran ayaa bilaabmaya taariikhda ay fiisada macmiillka u qalmaa dhaqan gashay ama taariikhda ay yimaadeen Ustareeliya, hadba kii dambeeya.

18 sanno iyo wixii ka weyn

  • Isku-diiwaangeli lix bilood gudahood.
  • 12 bilood gudahood ku bilow barashada.
  • Barid dhameystiran oo 5 sanno gudahood ah.

Ka yar 18 sanno

  • Is-diiwaangeli oo 12 bilood gudahood ku bilow barashada.
  • Barid dhameystiran oo 5 sanno gudahood ah.

Ingiriisida Aasaasiga ah

Marka lagu daro wakhtiyada sharci-dejinta, dadka u qalma ee haysta fiisahu waa in sidoo kale uu (shaqaale xirfad leh) ku qiimeeyo inay ka hooseeyaan “heerka aasaasiga ah ee bulshada” ee Ingiriisisda sida ku qeexan ‘Habraacyada ama Heerarka Ingiriisida Aasaasiga ah’.

Haddii aadan hubin inaad u qalanto fasalada Ingiriisida ee BILAASHKA AH fadlan naga soo wac 1300 585 868

Start typing and press Enter to search