fbpx

Isbeddelada lagu sameeyay Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah

Bishii Luulyo (Julaay) 2017 Dowlada Ustareeliya ayaa wax ka beddeshay hababka loo qiimeeyo ardayda waxka barata Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah (AMEP). Ardaydii hore lagu qiimeeyay Shahaadada Ku Hadalka iyo Qorida Ingiriisida (Certificate of Spoken and Written English – CSWE) ayaa immika lagu qiimeyn doonaa Nidaamka Xirfadaha Aasaasiga ah ee Ustareeliya (The Australian Core Skills Framework – ACSF),

Waa maxay Nidaamka Xirfadaha Aasaasiga ah ee Ustareeliya?

Nidaamka Xirfadaha Aasaasiga ah ee Ustareeliya ama ACSF, wuxuu cabiraa heerka xirfadaha dhinacyada barashada, akhrinta, qorida, xiriirka afka iyo aqoonta lambarada. Sidoo kale waxaan tan u isticmaalnaa si aan u cabbirno heerkaaga xirfadeed ee luqada Ingiriisida, waxaanan qiimeynaa awooda aad ku heli karto shaqo uguna guuleysan karto goobta shaqada.

Faa’idooyinka Nidaamka Xirfadaha Aasaasiga ah ee Ustareeliya

ACSF waa nidaamka xirfadaha aasaasiga ee loogu aqoonsiga badan yahay waxbarashada farsamada ee Ustareeliya, waana nidaamka caadiyan lagugu cabbiri doono marka aad codsanayso waxbarasho ama tobabar ama shaqaaleysiin. U beddelida habka ardayda AMEP loogu qiimeyo nidaamka ACSF waxay horumarin doontaa helitaanka ay ardaydu helaan fursado tobabar, waxbarasho iyo shaqaaleysiin kala gedisan.

Sidee ayuu isbeddelkani ii saameyn doonaa?

Ardayda Barnaamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah ee bilaabay waxbarashadooda kahor bishii Luulyo (Julaay) 2017 ee lagu qiimeeyay Shahaadada Ku Hadalka iyo Qorida Ingiriisida (Certificate of Spoken and Written English – CSWE) ayaa immika lagu qiimeyn doonaa Nidaamka Xirfadaha Aasaasiga ah ee Ustareeliya (ACSF). Waxbarashadii aad hore ugu dhameystirtay CSWE ayaa la aqoonsan doonaa, diiradaada waxbarashona waxay isubeddeli doontaa Nidaamka Xirfadaha Aasaasiga ah ee Ustareeliya.

Ardayda waxbarashoodada ka bilaabaya Baraamijka Ingiriisida ee Soo-galootiga Qaangaarka ah kadib bisha Luulyo (Julaay) 2017, ayaa si toos ah loogu qiimeyn doonaa ACSF.

Su’aalo?

Wixii macluumaad intaa dheer ee ku saabsan isbeddeladan waxaad iimayl noogu soo diri kartaa amep@stepsgroup.com.au ama waxaad nagasoo wici kartaa 1300 585 868. Haddii aad rabto adeegyada turjumida ka wac Adeega Turjumida [Dhokumentiyada iyo hadalka] (TIS National) 131 450 kahor inta aanad nasoo wicin.

Start typing and press Enter to search